Agaasimaha Guud ee wasaarada Horumarinta Degaanka Ayaa maanta Xili danbe Xilkii Ukala Wareejiyay isduwihiii wasaarada Degaanka Gobolka Saaxil Kayse Maxamed Aw Ciise iyo Isuduwaha Cusub ee wasaarada Degaanka Gobolka saaxil Anwar Xasan Ibraahim,
Munaasibadan Xil Wareejinta Ahayd Ayaa waxaa Goob ka Ahaa Badhasaabka Gobolka Saaxil iyo Mayorka Berbera , dabcan Sidoo kale waxa Iyaguna Goob ka Ahaa Shaqaalaha wasarada ee Degmada Berbera iyo Maamulaha Degmada Sheekh Mr Cabdoo,
Ugu Horayna Isuduwihii Hore ee wasaarada Degaanka Gobolka Saaxil Kayse Maxamed Aw Ciise Ayaa si Laab Furan Usoo dhaweeyay Isyduwaha Cusub Waxaanu Ku Wareejiyay Dhaman agabkii wasaaradu Ku Shaqaynaysay, Waxaanu balan qaaday In uu Si wanaagsan Ula shaqayn Doono,
Isuduwaha Cusub Mr Anwar xasan Ibraahim Aya isna Uamahdnaqay Isuduwuhii Shaqada Baneeyay iyo Masuuliyyiinta Gobolka iyo Degmada Berbera Sida wanaagsan ee aay u garab galaan wasaaarada Degaanka, Waxaaanu ka dalbaday Masuuliyiinta Gobolka Saaxil in aay gacan Dheeraaada kasiiyaan Shaqada wasaarada,
Duqa Magaalada berbera oo hadal Dheer ka Jeediyay Xilwareejintan Ayaa Si Odaytinimo ah Uga Hadlay xaalada Degaanka oo wacyi Xun Maraysa sababtoo ah Ayuu Yidhi Dhuxulaysatadii Waxay Sitaan Liisan, ma garnayno Ayuu Yidhi Mid Sharci ah iyo Mid kale , Sidaa Laajigeed Wuxuu Ka Codsaday wasaarada Degaanka masuuliyeenteeda in aay gacan Bira ku Qabtaan Kuwa Degaanka xaalufinaya ee Jaraya Dhirta,
Badhasaabka saaxil Ayaa Dhinaciisa Sheegay In aay Siwayn Ula shaqayn Doonaan Isuduwaha Cusub oo ah Nin Dhalinyaro ah Mudana ka Shaqaynayay wasaarada Degaanka Xarunta hargaysa Waxaanu siwayn U Amaanay badhasaabka saaxil Isuduwihii Hore oo ku Tilmaamay Mid hawlkar ah.
Ugu Danbayntii Agaasimaha Guud ee wasaarada Degaanka Somaliland Ayaa Ukala wareejiyay Xilkiii Labada isuduwe Isagoo si Qoto Dheer Uga Haflay faa,iidada Degaanka oo la Ilaaliyaa Leedahay,
Hadhwanaag News Berbera
Yassin jama Ali