Xildhibaanada Golaha Wakiilada Ee Sadexda Xisbi Maxay Ka Yidhaahdeen Go’aankii Madaxweyne Muuse Ka Qaatay Haamaha Shiidaalka Iyo Adeegyada Madaarka?

0

Guddiyada kala duwan ee Golaha Wakiilada, ayaa soo dhaweeyey go’aanka uu Madaxweynuhu dib ugu soo celiyey Haamaha Shidaalka iyo amaanka Madaarka Cigaal gacanta dawaldda, waxayna sidoo kale ugu baaqeen in waxyaabaha kale ee Dawladdu leedahay, ee cid gaar ahi maamusho inuu dib ugu soo celiyo Dawladda. Xildhibaanadan ayaa isugu jira kuwo ka tirsan xisbiga KULMIYE iyo kuwo xisbiyada mucaaradka ah.Xildhibaan Siciid Cartan CIsmaan oo ka mid ah Guddida joogta ah ee Wakiilada, Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Siciid Gaane), oo ah Guddoomiyaha Guddida khayraadka dabiiciga ah ee Wakiilada, Xildhibaan Xasan Muuse Hufane oo ah Guddoomiye ku xigeenka Guddida Cadaalada ee Wakiilada iyo Xildhibaan MaxamedFaarax Qabile oo ka mid ah Guddida Ilaalinta hantida qaranka, oo Wargeyska Geeska Afrika wax ka weydiiyey aragtidooda ku waajahan wareegtada Madaxweynaha ayaa dhammaantood waxay sheegeen inay soo dhawaynayaan wareegtada Madaxweynaha.

Ugu h orayn Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan wuxuu yidhi “Go’aankan uu Madaxweynuhu ku laayey, Haamihii Shidaalka Berbera, oo awalba qayrul sharci lagu bixiyey, iyadoo si nidaamka sharciga ah waafaqsanayn lagula wareegay, iyo qaybtii amaanka ee Madaarka, ee dib loo soo celiyey waanu taageeranaynaa, Madaxweynuhuna aad iyo aad buu ugu mahadsan yahay go’aankaas uu saaray, waxaana jirta in wakhtigii Axmed Siillaanyo oo bililiqaysi badani dalka ka dhacay, waxa la sameeystay Shirkado fara badan, oo maamulka Dawliga ah hoos imanaayey, oo haddana gaar laga dhigtay, kuwan maanta la soo celiyeyna ka mid bay ahaayeen, Madaxweynahana waxaanu ugu baaqaynaa inuu ku dhiirado Hay’addaha kale ee cida gaar ahi maamusho in dib loogu soo celiyo maamulka Dawladda, taasina waxay xoojinaysaa dawladnimada, meeqaamka dawliga ah ayey kor u qaadaysaa, haddii kale muxuu maamulaya Madaxweynuhu haddii Barafeed ama gaar laga sii dhigtay Hay’addihii Qaranka, markaas Madaxweynuhu wuxuu maamulayo ayaaba iska yar, Shirkadaha gaarka ah ee hantidii umadda loo sameeystay dhibaato qaranka ku habsatay ayey noqotay, kolay talaabadana waa talaabo bilawa, waxaana leenahay Madaweynaha waanu ku garab taagan nahay, arinka hore ugu soco wali kow ma joogto, wixii hore qaranka boob uga dhacayna waxaanu ka rajaynaa inuu Madaxweynuhu dib ugu soo celiyo gacanta Dawladda,Shacab iyo Barlamaana waanu ku garab taagan nahay”.

Xildhibaan Siciid Cartan mar uu ka hadlayaayay talaabada guddiga ilaalinta hantida umadda ee wakiilada, wuxuu yidhi  “Talaabo aad u wanaagsan bay qaadeen Guddida Ilaalinta Hantida Umadda ee Golahaygu, waxaana muuqanaya in wacyigeenu kor u kacay, oo umadduna wax fahantay, Barlamaankuna uu shaqadiisi gartay, Xukuumadda yaana fulinteedii laga rabaa, Barlamaanku wuxuu ogaa ama uu ogaaday ayuu sheegayaa, wuxuu soo arkay ayuu tooshka ku ifinayaa, Xukuuumaddana fulintii iyo dabagalkii rasmiga ahaa ayaa laga rabaa”.

Guddoomiyaha Guddida Khayraadka Dabiiciga ah ee Wakiilada Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo isna ka hadlay wareegtada Madaxweynaha ayaa yidhi “Madaxweynuhu talaabo wanaagsan buu qaaday, mar haddii uu dib u soo celiyey haamihii shidaalka, balse waxaan leeyahay Madaxweyne wax badan oo kale oo la dhacay baa jira, laakiin waxaanu leenahay Haamihii yaanu sidii hore ahaanin, ee ha loo sameeyo Wakaalad uu Xeerkeedu cad yahay, laakin haddii ay Madaxtooyada mar kale hoos tagto waa bar kuma taal,ee Madaxweyne u magacaw Hay’ad lala xisaabtami karo, oo Xeer leh, oo Dawladda ah.”

Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo ka hadlaya Musuq-maasuqa ayaa yidhi “Madaxweyne in hantida umadda la ilaaliyo waa muhiim waana daruuri, hantida umadda oo qudha maaha, ee in xittaa masuuliyiinta aad magacawday in  masuul walba xilkiisa ku eekado ayaa haboon, maxa yeelay waa wax aad looga yaabo in Wasiiradda qaar ay isticmaalaan awood aan ahayn awoodooda, sida Maxamed Kaahin, runtina Baabuurkii Baanka Ceerigaabo ayaa la kaxaystay, waxaasina waxay ku timid maamul xumadii ka dhacay arinta Caare, ee Madaxweyne waxyaabo badan oo siya ayaa jiree, ee indhaha si fiican u fur”.

Guddoomiye ku xigeenka Guddida Cadaalada ee Wakiilada Xildhibaan Xasan Muuse Hufane (Xasan Karaama), oo isna ka hadlaya wareegtada Madaxweynaha ayaa yidhi “Wax kasta oo sifo sharci daro ah lagu lunsaday hantida umadda, ama sifo sharci daro ah gacanta Dawladda lagaga wareejiyey oo cid gaar ah lagu wareejiyey in dib loogu soo celiyey Dawladda waan soo dhaweeynaynaa, waxaana leenahay Madaxweynuhu wuxuu qaaday talaabo aad loogu baahnaa, in Haamihii Shidaalka dib loogu soo celiyo Dawladda waa muhiim”.

Xildhibaan Xasan Hufane mar uu ka hadlaayey hantida umadda ayaa yidhi “Xogta la soo bandhigay ee ay soo bandhigeen Guddida ilaalinta hantida qaranku, waa xog loo baahan yahay, waana muhiim in dadka la  tuso cida hantidoodii dhacday, musuqa la geystay iyo sida hantida umadda loo boobay iyo cida boobtayba, xisaab xidhkani wuxuu ahaa 2016, ee xisaab xidhka 2017, ayaa la gali doona, oo iyana wax badani ku duugan yihiin,anaga oo ah Gudidda cadaaladi waxaanu laftaydu dabagal ku sameeynaynaa Jeelasha Burco iyo Boorama,  indhahaygana waanu ku soo aragnay, wixii khaldana waanu soo saari doonaa”.

Xildihbaan Maxamed Faarax Qabile oo isna ka mid ah Guddida Joogta ah ee Golaha Wakiilada oo ka hadlaya wareegtada Madaxeynaha iyo sida uu u arko ayaa yidhi “Golaha Wakiiladu 69 Xildhibaan ayey ku laaleen markii Madaxweynihii hore ee Axmed Siillaanyo uu Haamaha Shidaalka Shirkadaha gaarka ah ku warejinayey, saddex dalool laba dalool in ka badan baa laashay, haddii tirada intaas leeg sidaas u laashayna, Madaxweyne wareejin karaa ma jiro, laakiin Axmed Siillaanyo sharci daro ayuu ku wareejiyey, dhegahana wuu ka furaystay go’aankaas uu Goluhu ku laaley in Haamaha Shidaalka la wareejiyo, mar haddii uu Madaxweyne Muuse Biixi uu fuliyey go’aankii Golaha dibna uu soo celiyey Haamihii waanu leenahay waad mahadsan tahay Madaxweyne, ee hantida umadda ee kale ee iyana la dhacay, cid gaar ahina la wareegtay iyana soo celi”.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile ayaa isagoo ka hadlay hantida umadda ayaa yidhi “In Hantida Umadda la ilaaliyo oo qof kastaaba iyo masuul kastaaba xil gaar ah iska saaro ayaa muhiim ah, haddii aanu soo saarnay cid kasta oo ku eedaysan in hantida umadda sifo khaldan u isticmaashay, sharci ayaanu u leenahay”