Deg Deg, Raysal wasaaraha ethiopia oo Xayiraadii ka Qaaday 250 Xarumo warbaahineed oo mamnuuc ka Ahaa dalkasi,

0

Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay inay xayiraadda ka qaadday in ka badan 250 TV iyo shabakado Internet oo hore u xannibnaa.

Agaasimaha xafiiska ra’iisul wasaaraha, Fistum Arega, ayaa sheegay in xorriyatul qowlka uu yahay xaq aasaasi ah, helitaanka xogtana ay tahay arrin lagama maarmaan ah.

Arrintan ayaa astaan u ah isbeddello xoog leh oo dalka uu ka wado ra’iisul wasaaraha cusub, Abiy Ahmed.

In ka badan 10 sano ayaa maamulayaasha Itoobiya waxay aad u xannibeen in la booqdo InInternetka, waxayna xireen maxaddado TV, kuwaasoo loo arkay in ay afdheer yihiin.