31-ka May Saddex Dhacdo Oo Is Barkan Xusuus Gaar Ahna Ku Leh Qulubta Umadda Somaliland” Kaltuun Xaaji Daahir Cigaal

0

Waxay ahayd malin uu inagaย  baxayย  mujaahid Adan shine oo uu gob kula geeriyooday mujaahid siyaad oo ka mid ahaa macalimintii dugsiga Farah Omar.

ย 

2- Waxay ahayd dhacdadii gudagalkiiย  dalka ee dagaalka lagala hortegey Taliskiiย  naxarista darnaa ee aan dad iyo duunyo kala reebin laguna tuuray heeryadii gumaysiga.

ย 

3-Waxay ahayd dhacdo kale oo taariikhi ahย  oo dhacday kalanaย  cadaysay in aanay gorgortan geli karin gooni isu taagaย  Jamhuuriyaddaย  Somaliland,ย  Aftidii shacabka laga qadayna codka Haa la yidhiย  97% .

Isagoo noqdayย  distoor lawada leeyahay oo qaran, qabil iyo qoysba ku badhaadhay dhamaanteed

bulshadu walaaha ahi khalad iyo saxna kala saaray.

ย 

Waxa beenowday oo aan rabaa inaan hosta kaย  xariiqo halkudhayo ay fidin jireen dhangagalayashu iyo kuwii Somaliland kasoo horjedey oo ahayd (waa shaadh nin loo tolay oo lagu qiyaasay,ย  Xataa kuwii sida lahaa ayuu shaadhkii leekaaday) waxaan leeyahay halayska jiro hadalada xanafta leh ee umadda kala fogaynaya uur ku taaladana reebaya.

ย 

Waxaan salaamayaa dhammaan shacabka Somaliland gudo iyo dibedba.

Waxaan si gaara u salaamayaa ciidanka qaranka oo aan leeyahay weligiin jira oo jooga.

ย 

Ramadan karim

Wa bilahi tawfiq

Marwo Kaltum