Warbaahinta Maraykanaka oo Qoraya in Imaaraadku Faro galiyay Doorashadii Thrump ee 2016,iyo Wasiir Qarqaash oo Ka Hadlay

0
Anwar Gargash, UAE Minister of State for Foreign Affairs arrives for a press conference in Dubai, United Arab Emirates, Saturday, June 24, 2017. (AP Photo/Kamran Jebreili)
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay inaysan isku dayin inay faro-gelin ku sameyso doorashadii madaxtinimo ee Mareykanka ka dhacday 2016, ayada oo taageereysa Donald Trump.

Anwar Gargash, UAE Minister of State for Foreign Affairs arrives for a press conference in Dubai, United Arab Emirates, Saturday, June 24, 2017. (AP Photo/Kamran Jebreili)

Wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Anwar Gargash ayaa arrintan ku beeniyey qoraal uu soo dhigay barta twitter-ka, kadib markii warbaahinta Mareykanka ay sheegeen in Donald Trump Jr, uu la kulmay safiirada Sacuudiga iyo Imaaraadka, sanaddii 2016.

โ€œWaa in dareen lagu bixiyaa xaqiiqda intii la eegi lahaa warar aan jirin. Imaaraadku marna dadaal kuma bixin doorashadii Mareykanka ee 2016โ€ ayuu Gargash ku qoray bartiisa twitter-ka.

โ€œSi la mid ah dowldaha kale ee saaxiibka la ah Mareykanka, Imaaraadku waxay xiriir la lahaayeen shaqaalaha iyo la-taliyayaasha labada olole ee madaxweyne, si ay wax uga ogaadaan musharaxiinta iyo mowqifkooda siyaasadda arrimaha dibeddaโ€ ayuu yiri.

Wargeyska New York Times ayaa toddobaadkii tagey qoray in wiilka madaxweyne Trump ee Trump Jr uu ergada Sacuudiga iyo Imaaraadka la kulmay ayaga oo aad u danaynayey in aabahiis uu ku guuleysto Aqalk Cad.

Qareenada Trump Jr, ayaa sheegay in waxba aysan kasoo bixin kulankaas.