Deg Deg, Madaxwayne Biixi oo magacaabay Xilal Cusub

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/XM/WM/222-83/042018ย ku magacaabay masuuliyiintan hoos ku xusan:

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-83/042018 ku magacaabay masuuliyiintan hoos ku xusan:

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:-

 

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay:ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad;

 

Markaan Arkay:ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay:ย ย ย ย ย ย ย ย ย  In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey:ย ย ย ย ย ย ย ย ย  La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Goโ€™aamiyey,

 

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:

<td< span=””>

Tir

</td<>

Magaca

Xilka

1. Cali Ibraahim Jaamac Baqdaadi Guddoomiyaha Baanka Dhexe
2. Axmed Xasan ย Cabdi Carwo Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe
3. Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka
4. Cabdirashiid Cabdillaahi Hande Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Salal
5. Cabdi Xuseen Cabdi Ibraahim La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Naafada

Guddida Qandaraasyada Qaranka

Tir

Magaca

Xilka

1. Nuux Maxamed Xuseen Aadan Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka

2.
Cabdillaahi Ismaaciil Cabdi Bidhaan Guddoomiye Ku โ€“xigeen Guddida Qandaraasyada Qaranka
3. Cabdi Giire Jaamac Kadiye Xubin
4. Maxamuud Aadan Maal Xubin
5. Cabdi Faarax Ducaale Xubin
6. Maxamed Diiriye Xayd Nuur (Dib-jir) Xubin
7. Caasha Cabdillaahi Cilmi Xubin
8. Maxamuud Axmed Xirsi Baar-cad Xubin

Masuuliyiinta aan xilalka ka qaadayna waxaan uga mahad-celinayaa sidii xil-kasnimada lahayd ee ay u guteen waajibaadkoodii shaqo, muddadii ay xilka Qaranka hayeen.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

ย