Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan ayaa qiray in Israa’iil ay xaq u leedahay in ay dal yeelato.
Arrintaas ayaana u muuqata isbadal lataaban karo oo ku yimid meeshii uu Sacuudigu taagnaa markii hore.
Amiir Maxamed ayaa wargayska Maraykanka ka soo baxa ee Atlantic u sheegay in Falastiiniyiinta iyo Israa’iilba ay si siman ugu qalmaan in ay yeeshaan dhul ay leeyihiin.
Sacuudigu si rasmi ah uma aqoonsana dawladda Israa’iil, laakiin waayadan dambe waxaa soo hagaagayay calaaqaadkooda dahsoonSacuudiga iyo Israa’iilba waxay halista ugu wayn ee dibadda kaga soo fool leh u arkaan Iiraan iyo malayshiyaadka Jihaadddoonka ah,
Dalka Boqortooyada Sacuudiga Ayaa Intii Uu talada La Wareegay Boqor salmaan waxaa Isas Soo taraya Go,aamada dabacsan ee Israa,iil Ku wajahan ee Kasoo baxaya Boqortooyada Sacuudiga, Wiilka Dhaxal sugaha ah ee Ina salmaan Isna Wuxuu Muujiyay Awoodo Siyaasadeed oo ka Mid Yihiin Fur Frida Dimuqraadiyada, Haweenka oo Markii Kowaad Loo Ogalaaday In Aay Baabuur kaxayn Karaan, Suuqa u Bixi Karaan iyo Goobaha Lagu caweeyo,,
Sida La Ogyahay,na Waxaa xaflad Loo Qabtay In Diyaarado iskaga Gooshaan talabiib iyo dahraan, dabcana ganacsiga Ayaa Laga Yaabaa in uu Dhex Maro labada dal,