Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadiisu tahayJSL/XM/WM/222-43/022018,     uu ku magacaabay sagaal masuul. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:-
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markaan Arkay:Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad;
Markaan Arkay:Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay:Â Â Â Â Â Â Â Â Â In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey:Â Â Â Â Â Â Â La-tashi Ballaadhan;
Waxaan Go’aamiyey:
In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:
<p< span=””>Magaca </p<> |
Xilka |
|
1. | Cismaan Sheekh Cabdi Sheekh Maxamed Kaahin | Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka |
2. | Mustafe Faarax Cali Aadan | Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Waddooyinka |
3. | Muuse Xasan Xaaji Yuusuf | Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada |
4. | Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis (Khadra Xaaji Gaydh) | Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada |
5. | Maxamed Cali Bille Guuleed | Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada |
6. | Axmed Xasan Cigaal Sahal | Safiirka Somaliland u Fadhiya Itoobiya |
7. | Maxamed Warsame Ducaale | Ergayga Gaarka ah ee u Qaabilsan Somaliland Qaramada Midoobay |
8. | Maxamed Cabdikariin Cumar Ismaaciil (Maarshaal) | Safiir Ku-xigeenka Somaliland u Fadhiya Itoobiya |
9. | Ayaanle Salaad Diiriye | Safiir Ku-xigeenka Somaliland u Fadhiya Dalka Kiiniya |