Hargaysa, Biyo Guure News.com,  Madaxwyanaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Ayaa la Filayaa In Maalinta Beri ah Uu u Amba Baxo dalka Imaaraadka carabta,
Safarkan Madaxawyne Biixi  Ayaa  Noqon Doona Kii Sadexaad Ee Uu dalka Debada Uga Dhoofo tan iyo Intii Loo Dhaariyay Madaxtininada
Booqashadan rasmiga Ah Ayaa Illo Xog Ogaali Ahi Sheegayaan Inay  qaadan Doonto   Todabaad, Waxaana La Filayaa In Uu Gali Doono  Madaxawyne Biixi Wada  Xaajood Adag oo Dhex Mari Doona Dawlada Imaaraadka ee Dhisanayasa saldhiga Milatari iyo Shirkada Carbeeed ee Dubai Ports, DPW,
Dabcana Madaxawyne Biixi Ayaa In badan La hadal hayay   Xiligii Dawladii Siilaanyo Talinaysay In Uu ka Gows Adaygay Bixinta Saldhiga Milatari Raalina Aanu ka Ahayn Siday Wax u Dhaceen, Laakiin Maanta oo Uu Mindida daabkeeda hayo Ayaa la Eegi Doonaa Wuxuu Yeelo, In Uu tab iyo Xeeladba Wuxuu samayn karo Ku Buriyo Heshiiskaa gacan ku Rimiska Ahaa,
Wararka la Helayo Ayaa Tibaaxaya In Aay Dubai Ku Sugan Yihiin Wasiirkii Hore Ee Madaxtooyada Soamlailnd iyo Wasiiradii maaliyada Sam sam cabdi Aadan yo waliba safiirkii Somaliland U fadhiyay Imaaraadka Baashe cawil , Sadexdan Xubnood Ayaana ah Ubud Dhigii Kirayanta Dekada Berbera iyo Bixintii saldhiga Milatari Ee Sida Awooda Ah iyo Laaluushkii Xildhibaanada  Baarlamaanka Looga Ansaxiyay , Lamana garan karo Saamaynta Aay Ku Yeelan karaan wadahadalada  Dhexmari Doona Madaxawyne Biixi iyo Imaaraadka carabta,