Warqad Sir/ Digniin Ahayd Oo Maareeyihii Hore Ee Dekada Berbera U Qoray Xukuumadii Siilaanyo Oo Imnka La Hellay

0

Ku – Wasiirka Madaxtooyada Somaliland

Ku – Wasiirka Hawlaha Guud

Ku- Wasiirka ganacsiga iyo Maalgashiga,

Og – Madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland

May 13 2017 Ujeedo. Dhulka Raasiga Berbera,

Mudanayaal Waxaan Idinla Socodsiinaynaa In Dhulkii Kaydka U Ahaa Dekada Berbera Loo Mulkiyay Si Shaqsi Ahaaneed, Marka Laga Reebo Raasiga, Taasina waxay dabar Ku tahay Suugaynta Marinka Caalmiga Ah Ee Dekada Berbera,

Dhulkii Kaydka U Ahaa Dekada Berbera Waxaa La Qaatay, 1-Taar Dheer[[Transit Yard]

2- Qayb kamida Xerada Maygaag

3-Dhulka Nobiyada [ Maygag Lighhouse]

4-Barxada Gaadiidka Xamuulka, [ Koonfurta Madaxtooyada Berbera]

Hadaba Dhulkii Kaydka U Ahaa Dekada waxaa Kasii Nool Raasiga [ Biyo Celiye Dabiiciya, Break Water] Waana Dhulka Ugu Mudan Mustaqbalka Kaabayaasha Dhaqaale Gnacasiga Mandaqadan,

Dhulkan

Aya Ahaa Illaa Xiligii Cusmaaaniyiinta Bugcad Looo Ilaaliyo Horumarka Dekada, Waxanu U Aragnaa Dhulkaa Mid Ku haboon In dawladu gacanteeda Kusii hayso, Illaa Inta Laga Gaadhayo Dhismaha Dekada Caalmiya

Waxaanu Xusuusan Nahay talooyinkii Laga Bixiyay  Ee Ahaa Dhulkaa Raaasigu waa Meesha Iska Xejin karta Dhoofinta Dhuxul Dhagaxda, Sibidhka, Shidaalka iyo Macdanaha kale,

Dhulkaasi Waqtigii Midawgii Soofiyeeti Waxaa ka Jiray Drydock Lagu dayac Tiro Maraakiibta, Mantana Waa Goobta Kaliya Ee Lagu Rakibi Karo Dry Dock,

Waxaa Noo Muuqata Ifa Faalaha Dhulkan Oo Noqon Doona Mid qayb Libaax Ka Qaata Kobcinta Horumarka Ganacsiga Marka Laga Shidaal qaato Korodhka GDB Ethiopia , Maanta Hadii Shaqsi Loo Ogalaado waxay Taariikh Madow Ku Noqon Doontaa iyo Dhabar jab Taariikhda Berbera,

Sidaa Awgeed Waxaan Soo Jeedinayaa In Dhulka Raasiga Loo Daayo Gacanta dawlada Si Loogu Shaqeeyo Hiigsiga Mustaqbalka Dhoow Ee Qaranka Somaliland

Warqadan Waxaa Ku Saxeexan Mareeyihii Hore EE Dekada Berbera Axmed Yuusuf Dirir Iminkana Ah Hanti Dhowaraha Guud Ee Qaranka Somaliland, Waxaanu ka Digayay Xiligaa Dhibaatada Iminka Taagan Ee Rasiga Berbera iyo Noobiyada,