Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ย iyo wefti oo hoggaaminayo ayaa kulan la qaatay Odayaasha iyo Waxgaradka deegaanka Tuka-raq oo ka tirsan gobolka Sool, Odayaasha iyo Waxgaradka deegaanka Tuka-raq ayaa ka waramay baahiyaha kala duwan ee ka jira deegaanka Tuka-raq oo aanay hore u gaadhin dawladnimada Somaliland.
Caaqil Faysal Muuse Diiriye, Caaqil Cabdirashiid Cabdi Aabbe ย iyo Caaqil Maxamud Axmed Ducaale (Wilyan) oo ka mid ah odayaasha deegaankaasi ayaa ku dheeraaday baahiyaha deegaanka Tuka-raq iyo Xaaladda deegaanka guud ahaanba.
Odayaasha deegaankani ayaa maamulkii hore ee Puntland ku sifeeyay dhiigmiirato aan bulshada
Tuka-raq kusoo celin cashuuraha ka soo xerooda Kastamka Tuka-raq balse waxa ay sheegeen in lacagtaasi lagu dhisi jiray magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe.
Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Wasiirka Wasaaradda ย horumarinta khayraad biyaha Saleebaan Cali Koore ayaa si wadajir ah u balanqaaday inay Xukumadda Somaliland ย wax ka qaban doonto baahiyaha isbiirsaday ee degmada Tuka-raq.
Madaxweyne Ku xigeenka ayaa isna balanqaaday in dayactir lagu sameyn doonno dugsiga deegaanka Tuka-raq loonna dhisi doonno goob caafimaad oo MCH ah, taasi oo ay yeelan doonto magaaladda Tuka-raq waxaannu yidhi โ Waxaa aan balan qaadaynaa in MCH-gan la weyneeyo oo qaybtii dhalaanka iyo ย umulaha lagu kordhiyo, Waxaannu kale oo aanu u sidnaa dawooyin ay noogu deeqday hayโadda ARC oo runtii gobolka sool wax badan nalaga qabatay โ.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ย ย ayaa daawooyin loogu talo galay ka hor taga shubanka iyo daawooyin kale ku wareejiyay ย maamulka caafimaadka ee deegaanka Tuka-raq kuwaasi oo ay ku deeqday hayโadda ARC.
Gebagebaddii Kormeerka Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda ย Somaliland ayaa dhagax dhigay mashaariic horumarineed kuwaasi oo ay ka mid yihiin MCH-ka Tuka-raq iyo dayactir lagu samayn doonno ย ย dugsiga hoose ee deegaanka tuka-raq.