Waa Maxay Sababta Uu u Xidhan Yahay Kawaanka Gowraca Xoolaha Mudo Labo sano Ku Dhoow, Isagoo Dhamaystiran

0

Sanadkii 2016 Bishii Decemper Dahaamdkeedii Ayaa La Dhamaystiray Kawaanka Qaliinka Xoolaha Ee Ku Yaala Duleedka Bari Ee Magaalada Berbera, Slaughterhouse,

Kawaankan Ayaa waxaa Somaliland Ugu Deeqay Wadanka Imaaraadka carabta , Qorshihiisuna Wuxuu Ahaa In Somaliland Laga Hirgaliyo Suuq Cusub Oo Xoolaha Hilibkooda Laga Iib Geeyo, Iyadoo Dhanka Diyaaradha iyo Maraakiibta Leh qaboojiyayaasha Koonteenarada Loogu talo galay In Aay Qaadaan Hilibkaa Saafiga Ee Kawaanka Lagu Diyaarin Doono,,

Warshadan Ama Kawaankan Ayaa Awood U Leh In Uu Qalo Oo Nadiifiyo Sadexda Maal Aduun Ee Geela+ Lo, da iyo Adhigaba ,, Hadaba kawaankan Ayaa Illaa Iminka Iska Xidhan Oo La Ogayn Sababta Looga Shaqayn Siin Wayay Waxaana In BadanKu Jiray Kawaankan Cida iska Leh Ma Dawlada Somaliland Ayaa Leh Mise Dad Gaara Ayaa Iska Leh,

Dhawaan Ayaa La Sheegay in Kawaankan Si Toosa Looogu gacan galiyay Xukuumada Cusub Ee Somaliland , Inkastoo Sida Illo wareedyo Sheeagayaan In Uu Isku dayay Safiir Baashe Cawil In Uu Ku Magacaabo Shirkada Gaara oo Maamusha kawaankaa Laakiin Taasi way u Suura Gali Wayday,

Kawaankan Ayaa La Ogayn Maaliyada Lacageed Ee Ku Baxday Ee Dawlada Imaaradku Ku Caawisay Somaliland,

Hadaba Xukuumada Cusub Waxaa la Gudboon In Aay Ka Shaqaysiiso Kawankan Oo Baahi wayn Aay U qabaan Dadka ka Shaqaysta Iibinta Hilibka,Hadiise Dhaqso Loo Furi waayo waxaa Laga Yaabaa In Qalabkaa  Warshadu Daxalaysto Maadaama  Berberi tahay Xeeb Birtuna  Si Dhakhso Ah U daxlaysato,