Dalka Sudan waxaa ka dhacaya banaanbaxyo looga soo horjeedo qiimaha rootiga oo kordhay taasoo ay dadku aad uga cabanayaan
Waxaana meesha ka baxay lacago ay dowladda ku kabi jirtay iibka rootiga ka dibna waxaa cirka galay lacagta lakala siisto rootiga
Banaanbaxyadan ayaa ka bilowday goboladda Koonfurta waxayna markii dambe kusii fideen magaalooyin kale, sida ay ku warantay idaacada BBC-du.
Caasimadda Khartum booliska ayaa sunta ilmada keentaa ku kala eryey dad wadooyinka xiray taayarana gubayay.
Isku-dhacyo noocaasoo kale ah ayaa ka dhacay magaalooyin ku yaalla koonfurta iyo galbeedka wadanka.
Galbeedka Darfur arday ka mid ahaa mudaaharadayaasha ayaa la dilay kuwo kalena waa la dhaawacay.
Dowladda ayaa diiday in banaanbaxyadan dhacaya ay
wax lug ah ku leeyihiin qiimaha rootiga ee kordhay
Sanadkii 2003-dii ayaa waxaa dalkaasi ka dhacay banaanbaxyo xooganaa oo looga soo horjeeday qiimaha shidaalka oo kordhay.
Waxaana berigaas ku dhintay dibadbaxyadaasi tiro dad ah oo ka mid ahaa banaanbaxayaasha