Tabashad Waxaa Dawayn Kara Cadaalad, Beesha Musharaxii Xisbiga Wadani Ee Gobolka Saax Oo Xilalkii Dawliga Ahaa Ku Waayay Olalhii Doorshadai

0

Tabashadaย  iyo Xasaasiyada ka Dhalatay Doorashadii dalka ka Dhacday 13 Nov 2017ย  Ayaa Wali Xiisadeediiย  Sii Guuxaysaa,ย  Taariikhda Hadaynu Dib Ugu Yar Noqono Laga Soo Bilaaboย  Sanadkii 2015 Xiligaasi Oo Si Kadis Ah Looย  dareemay Awooda Siyaasdaeed Ee Xisbiga Wadaniย  Oo Mar Kaliya Aay Kor Ukacdayย  taageerada Uu ka Hellay qaybaha kala Duwan Ee Dalka Somalilandย  Una Soo Muuqday In UU Yahay Xisbiga Kaliya Ee la tar tami Karayaย  Xisbul Xaakimka Kulmiye EE talada Somaliland haya,

Dabcana ย ย Xukuumada Somaliland Ee ka ย Dhisnayd Xisbiga Kulmiye waxaay Ku Baraarugtay In Culays Siyaasdaeed Kusoo Fool Leeyahayย  Kadib Markii Aay ka takhalustay Xisbigii Ucid Musharixiisiiย  Oo Si tab iyo Xeelada Looga takhalusayย  In Uu Xisbigaasi Noqdo Mid tar tan Adag la gali karaya ย Xisbiga Kulmiye,

Waxaa Iyana Xusid Mudan In In Siyaasi Kasta Oo ka Tirsan Xukuumadaย  Kulmiyeย  Oo Loo Tuhmay In Uu Laabta kala Socdo Xisbiga Mucaaradka Ah Ee wadaniย  Shaqda Laga Joojiyo oo uu Iska Quusto Marka danbe,,

Hadaba Iminka Maxaa La Gudboon Xukuumada Cusub Ee Uu Hogaaminayo Madaxwyne Biixi, Runtiina Xisbiga Kulmiyeย  Ee Talada dalka qabtay waxaa Laga Rabaa In Uu Si cadaalada Bulshada Ugu qaybiyo Maamulka dawladeed,

Gobolka Saaxil Ayaana fartu Ku Godan Tahay , Musharixii Xisbiga Wadani Ee Doorashada Lagaga Guulaystay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ย Beeshiisu Xilalkii Aay ka hayeen Gobolka saaxilย  Dhamaan waa Laga wada Qaaday Xiligii Arimaha Doorashadu Kaabiga Inagu hayeen, Ee Tartanka Labada Xisbi Ee Kulmiye iyo wadani Sixmadoodu Cirka Isku Shareertay, Sida Hoos Ku Xusan

  • Badhasaab Ku Xigeenka Gobolka Saaxil
  • Maareeyihii Wakaalada Biyaha Berbera
  • Xisaabiyihii dawlada Hoose
  • Isuduwayashii wasaaradha Oo Aan Qof Lagaga darin

Isku soo Duubooย  Xaaladahaa Cakiran ย Ee Tabshada Huwan Ayaa laga Doonayaa In Uu daweeyo Madaxwaynaha Cusub Ee Somaliland,Muuse Biixi Cabdi