Dr. Maxamed-Rashiid Oo Beeniyay Inuu Is Casilay Dr. Maxamed-Rashiid Oo Beeniyay Inuu Is Casilay

0

Picture8

Hargeysa(Geeska)-Wasiirul dawlaha arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed-rashiid Sheekh Xasan ayaa si kulul u beeniyay warar laga baahiyay oo sheegaya inuu iska casilay xilkii uu u hayay qaranka.

Shabakad warareed oo lagu magacaabo Borama News, ayaa shalay baahisay in wasiirul dawle Dr. Maxamed-rashiid uu is casilay. Hase yeeshe Dr. Maxamed-rashiid oo isagoo jooga Hargeysa xalay la soo xidhiidhay Geeska Afrika ayaa warkaas beeniyay, โ€œWarkaasi waxba kama jiraan, mana jirto meel aan isku casilay iyo meel aan xataa ku soo hadal qaaday. Warkaas layga baahiyay waa mid aanay waxba ka jirin.โ€ Ayuu yidhi Dr. Maxamed-rashiid oo intaas raaciyay, โ€œWaxa faafiyay dad dacaayad iyo been abuur faafinaya, cidda faafisay ee daabacdayna waxaan la tiigsan doonaa sharciga. Waxaan shacabka u cadaynayaa inaanay jirin wax is casilaad ah oo aan madaxweynaha Somaliland u gudbiyay, diyaarna waxaanย  u ahay inaan qarankayga u shaqeeyo.โ€ Sidaas ayuu Dr. Maxamed-rashiid ku beenyiyay wararka laga baahiyay ee sheegayay inuu is casilaad u gudbiyay Madaxweynaha.