Waftiga uu hogaaminayo madaxweyne ku xigeenka somaliland ayaa waxa magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia kaga sii horeeya wasiirada arimaha dibada iyo madaxtooyada kuwaas oo halkaasi u jooga arimo la xidhiidha mashruuca Berbere Corridor.
Madaxweyne ku xigeenka somaliland oo ka hadlaya ujeedada safarkiisa ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan “Waxaan maanta safar shaqo oo kooban ugu baxaynaa aniga iyo wafti aan hogaaminayo caasimada wadanka ethiopia anaga oo mudo yar oo kooban oo laba maalmood ah ku maqnaan doona, safarkaas oo ah mid shaqo wakhti badana aan naga qaadan doonin iyada oo ay wasiiro kalana
nagaga horeeyaan Adis Ababa, sida aad ogtihiin dawlada Ethiopia waa dawlad weyn oo aynu jaar nahay oo walaalo nahay wax badana inaga dhaxeeyaan , iskaashi badana aynu ka leenahay arimaha nabad galyada, dhaqaalaha iyo arimaha bulshada intaba .”Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil Saylici oo wax laga waydiiyey cabashada ay xildhibaanada golaha wakiilada ee ka soo jeeda Gobolka Awdal Ka qabaan xeerka doorashada golaha wakiilada ee la hor keenay golahaasi ayaa waxa uu yidhi “Xukuumada qaranka ayey kala siman tahay arintaas baarlamaanka hortaala waana arin talo qaran u baahan , xildhibaanaduna meelna ma tagin waxaanay soo gudbiyeen mar walba jiri jirtay oo ahayd in saamiga loo kordhiyo, waxaanay noqonaysaa arin u taala xukuumada iyo golayaasha qaranka sidii looga gudbi lahaa imikana xeerkii waxa uu hor yaalaa golaha wakiilada,hadii ay doodiisu ka bilaabanto iyo haddii dusha laga wada hadli doonaba waa arin qaydhin oo kama hor dhici karo maanta.” Ayuu yidhi Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland