Wakaaladaha Wararka-(BGN)- Ugu yaraan 15 qof oo Lix ka mid ahi ay sakar yihiin ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhaawacmeen rabshado gacan ka hadal wata oo ka dhashay nin jeex-jeexay kitaabka qur’aanka kariimka ah, oo dhacay xero qaxoonti oo ku taalla magaalo lagu magacaabo Suhl, oo ku taalla dalka Jarmalka.
Rabshadahan ayaa ka bilaabmay markii dad lagu qiyaasay Labaatan qof oo ah qaxoonti megengelyo doon ahi ay weerar ku qaadeen nin u dhashay wadanka Afghanistan oo ay ku eedeeyeen in uu jeex-jeexay boggag ka mid ah kitaabka quraanka kariimka ah kaddibna uu ku tuuray suuli.
Warku waxa uu intaa ku daray markii ciidamada amniga ee Jarmalku, ay isku deyeen inay kala dhex-galaan dadka rabshadu
ku dhex maraysay xeradan qaxoontiga ayaa iyaga oo cadhaysan ay isku dhaceen ciidamada amniga, waxaanay siyaasiyiinta dalka Jarmalku, ay ka digayaan werwerka ay ka qabaan xiisadaha soo kordhaya ee ka dhisaalan gudaha dalka Jarmalka, xilli uu dalka Jarmalku si weyn uu ula baaxadaa degayo tirada aadka u badan ee soo galootiga ah ee iska dhiibayaa dalkaa iyo weliba muhaajiriinta tirada badan ee ku soo wajahan dalkaa si ay isaga dhiibaan