Buug uu qoray alle haw naxariistee gudoomiyihii hore ee golaha wakiilada somaliland Danjire Axmed Maxamed Aadan Qaybe ayaa lagu soo bandhigay magaalada Hargeysa.
Munaasibada lagu soo bandhigayey buugan oo lagu qabtay Hotel Laalays ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay wasiirka arimaha debada somaliland, gudoomiyaha golaha wakiilada, qoraa Boobe Yuusuf Ducaale oo tifaf-tir ku sameeyey buugan, Ciise Maxamed Aadan oo ay walaalo ahaayeen Danjire Qaybe, xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada iyo marti sharaf kale.
Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale(Boobe) oo tifaf-tir ku sameeyey buugan oo munaasibadan ka hadlay ayaa waxa uu ka
waramay taariikhda Marxuun Danjire Qaybe waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan “Joogista aan halkan caawa joogaa waxay markhaati u tahay dhumucda iyo dib u heshiisinta dalka ka dhacday intay leeg tahay, halkan waxaynu ku xusaynaa Danjire Axmed Maxamede Aadan loo yaqaanay Qaybe kaas oo 25 sanadood danjire ahaa, waxa uu dhashay 1930, markii ugu horaysay waxaan ku arkay magaalada Moscow isaga oo safiir ah arag kalana waxa ii xigay intii uu halkan joogay, maalin ayuu ii soo diray Email dagaalkii qaboobaa markii uu socday, gantaalihii kuuba la dhigay qoraal ka hadlaya ayuu igu yidhi Afsoomaali iigu soo turjun waxaanu ku qori jiray wargayska Geeska Afrika, waan u turjumay dabadeedna waan u diray waxaanan ugu qoray bayd uu lahaa nin Dheeg la yidhaa oo ku jiray Deelley kaas oo ahaa Dadka Waan Ka Quustee Dunida Show Ragbaa Nool Maxaa Diricyo soo kacay,aniga oo uga jeeday inaanay ila ahayn in dad noocaas wax u qoraaba aanay dalka joogin sidaas ayaanu isku baranay Qaybe dabadeedna markii uu dhawr qoraal qoray ayaan ku idhi miyaad buugba ka dhigtid.”Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Dabadeed waxaan nasiib u helay in 8-dii bilood ee ugu danbeeyey noloshiisa inaan maalin walba 10:30 gurigiisa la joogo, sidaas ayuuna qaybe ku bilaabay xusuustiisa 25 sanadood, January 1961 ayaa loo magacaabay safiir, 1985 ayuu xilkaas dhigay oo uu noqday xoghayihii guud ee wasaarada arimaha dibada, 1990 wasiirka arimaha dibada ayuu noqday, xogogaal ayuu ahaa wax badana wuu ogaa, wax badan oo uu iiga sheekeeyey buuga kumuu qorin aniguna cidna ugama sheekeeyo.”
Gudoomiyaha golaha wakiilada somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa ka waramay taariikhda Marxuun Qaybe waxaanu yidhi “Alle haw naxariisto Axmed Maxamed Aadan Qaybe aniga xusuus gaar ah ayuu ii leeyahay taariikh badana waanu soo wada marnay, waxa uu ii noqday xoghayaha joogtada ah ee wasaarada arimaha dibada waxaanan la shaqaynayey mudo sadex sano ah markii danbana wasiir ayuu ii noqday, waxaanan markii danbe ka badalay xilka gudoomiye-nimada golaha wakiilada.”
Sidoo kale waxa munaasibadan ka hadlay Ciise Maxamed Aadan oo ay walaalo ahaayeen Danjire Axmed Maxamed Aadan Qaybe kaas oo ka sheekeeyey kaalinta uu kaga jiray qoyskooda, waxaanu guud ahaan u mahad celiyey dadkii ka soo shaqeeyey inuu buugaani soo baxo.
Sidoo kale wasiirka arimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis oo gaba gabadii munaasibadan ka hadlay ayaa ka waramay taariikhda ay wadaagaan alle haw naxariistee Danjire Axmed Maxamed Aadan Qaybe.