Waxyar ka dib badhasaabka cusub ee gobolka awdal markii la soo magacaabey waxa sida fiinta fiid cawl uga qeylyey badi bulshada reer awdal oo qalad fahmey habka uu wax u wado , aniguna aqoon buuxda oo aan horey ugu la haa mr.ramaax waxa aan qoraal dheer maqaal magiciisu yahey ku qorey ( badhasaabkii abid ugu waxqabadka badnaa ee soo mara gobolka awdal) runtii waxa aad moodaa sidii sahankayga iyo malaheygu ahaa in ayuu wax u wado mr.ramaax cali hayste ,aad iyo aad ayaanan ugu bogaadinayaa habka uu u wado hawl maalmeedkiisa shaqo oo uu karti badan soo bandhigey.
2Ambulance ayuu madaxweynuhu siiyey gobolka awdal ee ‘600,000 iyo dheeraadka qof’
ku nool yahey oo aan horey wax layidhaa ambulance aanu u oolin marka laga yimaado 1 ambulance oo 2002 cusbitaalka borama wasiir markaa joogey ugu deeqay .2dan ambulance ayaa ku yimi dadaal iyo baadi goob kadib,hada mid ayaa lasiiyey cusbitaalka guud ee borama .
Boon waa caasimada 2aad ee gobolada awdal iyo salel marka la eego dhanka dhulshada ku nool ,baaxada degmo ahaan iyo sida ay istiraatijiyad ugu tahey badhtanka oogo iyo guban ka , waxa ii muuqata in boon wax badan la hagradey se baahideeda bulsho tiro beel yahey marka la eego adeega caafimaad iyadoo oo tan kala wadaagto degmooyinka gobolka oo dhan se boon ha la siiyo ambulance ka hadhey , waayo waa magaalada 2aad ee ugu saxmada dad badan gobolka ,ambulance kaasi waxa uu noqonayaa mid u adeega dhamaan bulshada ku sugan xaalad degdeg caafimaad ee ku dhaqan xariirad ,xeeb oo dhan ilaa inta borama u dhaxeysa.
Hadii ay dhacdaba in boon weydo ambulance kaasi , waxa kale oo u baahi badan deegaanada durugsan ee xariirad , saylac, c/qaadir, gargoorey, dhagaxa madow, fadhi-xun, lughaya ilaa garbo-dadar.
Hadii ay dhacdo in sida hada uu u haystaba wasiir xigeenka caafimaadku ambulance kaasi ee uu ka reebey kan hada borama la siiyey oo uu waliba siiyo degmada uu ka soo jeedo hayb ahaan ee quljeed oo quljeed laf ahaan taada dhawaan loo qodaayey ceel biyood oo riig ah, waxa cadaaneysa in uu wasiirkaasi quljeed oo kaliya wasiiir u yahey , nin qabiiliya oo daneysta ah ayuu ku sifoobayaa , oo ay taa macnaheedu noqonaayo in nin waliba marka uu wasiir noqdo deegaan kiisa iyo tiisa uun ka fikiro oo wax la yidhaa dan guud oo gobol iyo sida ay u kala mudnaashiyo baahiyeed badanyihiin.
Gunaanad :
Baahiyo adeeg oo tiro beelay ayaa dhan walba oo gobolka ah yaala ,waxase ay mudan yihiin in bahiyaha yaala gobolka baaxadooda lagu sar jaro iyadoo la cabiraayo mudnaashiyahooda .
Qulujeed col iyo colaad uma qabo tolkey iyo reerkayguba uu yaala , dhawaan ayaa biyo loo qodaayey qulujeed , handana ambulance haloogu daro ma dhadhameyso oo waa laga fiicanyahey sidaasi , wixii laheylo gayiga halagu muunadeeyo oo mid ba wax hala gaadhsiiyo.
By: Dr.khadar maxamed faahiye
0634438660