Madaxweyne Siilaanyo muu uxaqsoorin shacabkii doortey ee dirtey , wuxuuna noqdey  Madaxweyne dhinac u ciiray oo aan ummadda umuujin sinaan iyo cadaalad,taas oo ay xukuumadiisuna  ay isku khaladey runtii iyo beentii, Doorashadii iyo Diiwaangelintii,fariidkii iyo nacaskii , mujaahidkii iyo faqashtii, daneystihii iyo daryeelihii, fashilaadii iyo guushii, qoyskii iyo qarankii, guurtidii iyo komishankii, xisbiyadii iyo xoghayntii, fulintii iyo Wakiiladii. Xukuumada Siilaanyo Waxay isku xeertey duul qaldhabaaya oo qawdhamaaya oo aad moodo in aaney wadankaba udhalan oo eryanaaya uun dano gaar ah, magac aaney mudneyn, maal aaney xoogsan,maa muus aaney kasban, shaqsi jecleysi raadinaaya uun xukun dheeraad ah iyo xoolo aan bireysneyn oo booli ah. Wuxuu isku xeeray duul aan hadal umeel dayeyn  kuwaas oo  isku khalda xogta iyo xaqiiqda maanta Somaliland  taala. wuxuu isku xeeray duul heerkula qabyaaladeed uu meel xun gaadhay kuwaas oo shaqaalahoodii iyo shacabkiiba ku dhextuuray xin, xiqdi iyo xajiin qabali ah. Wuxuu isku xeeray duul garaad gaaban oo aan kala aqoon hantida qaranka, awooda qaranka iyo shuruucda qaranka (Dastuurka iyo Xeerar kiisa )
Â
Nasiib-daro Maanta waxay hantidii maguuraanka aheyd ee ummadda Somaliland oo dhan udhaxeysey ay gacanta ugashey  koox yar oo dhereg dhaaftey oo aan danahooda mooyaane aan aqoon daryeel kale oo dhaafsiisan. Madaxweyne  Siilaanyo wuxuu Ribo iyo Ra’iis ugu balan qaadey hawl-wadeenadii ugu sareeyey sharci dejinta dalka taa soo aheyd goobtii lagu abuuraayey, laguna ansixinaayey, laguna meel-marinaayey sharciyada uu soo curiyo isagu. Hadaba maadaama meel marinta qawaaniinta distooriga ah ee Somaliland ay had iyo jeer  ku dhacaan qaab gacan taag ah, waxaa halkaa ku sarifmey oo ku milmey oo ku fasaqmey oo uu Virus ku galey haykalkii dawladnimo, Doorashooyinkii, higsigii iyo habsami u-socodkii hawlihii qaranimo.Waxaana meesha ka baxdey xilgudashadii, isxisaabintii, dhiirigelintii hanaankii dimuqraadiyeed , maslaxadii, maamuuskii  iyo masiirkii guud ee ummadda Somaliland. Bal-hadaba Muwaadinow, Sideebay wax u kala soconayaan mar hadii xukuumadii seegtey tubtii toosneyd oo ay turun-turootey oo ay taraartey waqtigeediina uu dhamaaday ? Bal waa yaabe yaa tilmaa-maaya oo ku toosi naaya Toobiyaha  toosan ??  Jawaabta oo koobani waa cidna  ee yaaney ku jiidhin!!
La soco qormooyinka danbe——————————–!!!!!!
Â
Â
Alleh ayaa mahada iyo Mudnaantaba Leh.
Wa-La-hum-Aclum.Wa-Billahi-Towfiiq
Wehelkiin Waa Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii A/Rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaab
United Kingdom
London