Madaxweynihii Hore ee Puntland Oo Hargeysa Ka Soo Degaya

0
Madaxweynihii Hore ee  Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa maalinta barri ah Socdaal ku imanaya Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland, Safar Faroole ayaan si cad loo ogeyn in uu yahay mid Shakhsi ah iyo in Hawlo kale uu u socdo. Madaxweynihii Hore ee Puntland Md. Cabdiraxmaan Maxamed ayaa allah haw u naxariistee waxa u dhaxday haweenay u dhalatay somalilland,  taas oo uu wiilkeedu dilay.

lama oga in arrinta socdaalka madaxweynihii hore ee puntland ay tahay arrimo siyaasadeed iyo in uu u socdo qoyskii ay ka dhalatay ooridiisii, waxaana lagu soo waramayaa in ay ka soo

horeeyeen oo ay somaliland ku sugan yihiin caruur uu dhalay madaxweynuhu.somaliland iyo Puntland ayaa waxa u dhaxeeya muran soo jiitamay, kaas oo ka bilawda xadka labada dhanac oo ay qolo waliba lahaanshiisa gaar u sheeganayso in kasta oo ay xadkii uu ingiriisku jeexay dhulkaasi uu kaga mid noqday somaliland.