Madaxwaynaha Somaliya Muxuu Ka Yidhi Baarlamaanada Maamul Goboleedyada Somaliya.

0

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay  in Dowladda Federalka Somalia ay taagersan tahay dhamaan Baarlamaanada Maamul Goboleedyada dalka ka jira.

Hadalkan ayuu madaxwaynuhu ka sheegay kulan soo dhaweyn ah oo Madaxtooyada Somalia loogu sameeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay Baarlamaanada dhismaya iyo kuwa iminka dhismayba inay tahay guul weyn oo laga gaadhay hanaanka Federalka Somalia iyo horumarada kale ee dalka jira.

Inkastoo Madaxweynaha Somalia uusan soo hadal qaadin muranka ka taagan dhismaha Baarlamaanka Maamulka Jubbaland, hadana waxaa xusid mudan inuu jiro weli muran aan xal laga gaadhin oo ka taagan dhismaha Baarlamaanka Maamulka Jubbaland.

Sidoo kale waxaa kulanka ka hadlay Guddoomiyaha Baarlamanka Maamulka

Galmudug oo sheegay in Dowladda Somalia ay uga mahadcelinayaan taageerada Baarlamaanka Galmudug ay la garab taagan yihiin.