Wasiirka Kalluumaysiga Oo Sheegay In Suuqii Kalluunka Somaliland la Gayn Jiray Ee Wadanka Yemen Uu Istaagay โ€“

0

Hargeysa(Biyo Guure News.com)-Wasirka Wasaaradda Kalluumaysiga Somaliland Cali Jaamac Faarax Buureed, ayaa sheegay in gabi ahaanba ka ganacsigii Kalluunka ee loo iibay geyn jiray dalka Yamen oo ahaa Suuqa ugu weyn ee Somaliland u iibgeyn jiray uu meesha ka baxay, madaama dalkaas Dagaalo ka socdaan.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga Somaliland Cali Jaamac Faarax Buureed oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika โ€œSuuqii ugu weynaa Kalluumaysiga ee Yemen meesha wuu ka baxay, dadkeenu Yemen ayey u dhoofin jireen Kalluunka intiisi badan,ย  Yemena waxa uu ahaa dalka ugu badan ee aynu gayno ee Kalluunkeena iibsan jiray, Jabuutina Kalluun sidaas u sii badan inagama qaadato, xagga Itoobiyana sharciyadooda ayaa aad u adag, oo aan ogolayn inay dalkooda waxa galaan, oo Kalluun iyo badeecad kale oo la geeyo aan ogolayn, markaas Yemeni suuq aad sameyn inoogu yeeshay ayuu noqdayโ€. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inay ku hawlanyihiin ka xukuumad ahaan inay Kalluunka Somaliland geeyaan wadanka Itoobiya, isagoo sheegay wada hadalo arrintaas ku saabsani u socdaan labada xukuumadood.

ย 

Dhinaca kale waxa uu Wasiirka Kalluumaysigu Bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay ku dadaalan wax soo saarka,gaar ahaan ka ganacsiga Kalluumaysiga ,waxaanu ugu dambaynย  tacsi u diray qoyskii, qaraabadii, ehelkii iyo Umadda reer Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Fuโ€™aad Aadan Cadde oo dalka Turkiga ku geeriyooday, waxaanu ILLAAHAY uga baryey Jannada.