Waxaan maanta (Shalay) Munaasabada Ciidul Fidriga kula qaadanay boqolaal kamida shacab weynaha ku dhaqan caasimada gobolka Sool ee Laasacaanood halkaas oo ay igu wehelinayeen Wasiirka Wasaarada Hawlaha guud, gaadiidka iyo guryeynta iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Caddaalada iyo Garsoorka
Tukashada salaada Ciida oo ka dhacaysay Maasajidka weyn ee Jaamaca iyo goobo kale oo fagaarayaal ah ayaad arkaysay shacabka oo soo buux dhaafiyey isla markaana isugu
hambalyeynaya munaasabada ciidul Fidriga sidoo kalena isugu ducaynaya in camalkii wanaagsanaa ee ay bisha barkaysan ee Ramadaan ay la yimaadeen Alle ka aqbalo.Hadaba, kahor intii aan la galin salaada Ciida ayaan kalmado kooban kula dardaarmay shacab weynahii kasoo qaybgalay gudashada salaada Ciida halkaas oo aan ku xoojinaynay dhinacyada kor u qaadida nabadgelyada oo ah dabcan muftaaxa horumarka iyo sidoo kale dhinacyada wax wada qabsiga iyadoo aan isku dardar galinay in loo baahan yahay in shacab iyo dawladba la isku taageersado horumarka si loo helo waxqabad balaadhan oo dadka wada gaadha.
Markii ay soo dhamaatay tukashada salaadii Ciidu ayaanu bilownay kulamo aanu la qaadanay dhinacyada kala duwan ee bulshada halkaas oo aad dhamaantood ka dareemaysay sida ay uugu bisil yihiin hamuun badana uugu qabaan horumar badan oo ay deegaankooda iyo dalkaba ka hirgaliyaan waxaanan aad uuga mahadcelinaynaa sidii milgaha iyo maamuuska badnayd ee ay shacabka reer Laasacaanood nagu soo dhaweeyeen.
Waxaan sidoo kale xadhiga kasoo jarnay laba saldhig boolis oo laga hirgaliyey bariga iyo galbeedka a oo wax badan ka qabtay amaanka magaalada.
Sidoo kale intii aanu ku sugnayn magaalada ayaan dhagax dhignay waddooyin wax badan ka tari doona isku socodka dadka iyo gaadiidka iyo mashaariic kale oo horumarineed
Waxaa hubaal ah in xukuumadu la timi horumar isla markaana shacabka ku abuurtay han wax qabsi waxaanan leeyahay shacabka reer Laasacaanood iyo guud ahaanba reer Somaliland :
“Walaalayaal wixii umada loo qabto ayaa duug iyo madhax leh oo bulshada iyo dawladana dhaxal u ah ee aan ka wada shaqayno iskuna taageersano horumarka iyo horusocodka.