wasiirka madaxtooyada Somaliland o ka Hadlay Kulan xaly dhexmeray Madaxwyane Siilaanyo iyo Culimada Waawayn e Somaliland

0

”Madaxweynaha JSL oo kulan kor u qaadida haybada diinta ah ku casuumay Culimada dalka iyo Culimada oo Madaxweynaha uuga mahadceliyey sida uu marwalba u sharfo dadka diinta Alle u saxiibka ah. Waxa kulan isagu jira afur iyo casho sharaf Madaxweynaha JSL uu ku marti qaaday Culimada diinta ee dalkeena Somaliland. Kulankan oo ka qabsoomay xarunta Madaaxtooyada ayaa ujeedadiisu ahayd sidii loo sharfi lahaa Culimada diinta ee Alle sharfay isla markaana loo dareensiin lahaa in ay tallada dalka kaalin weyn ku leeyihiin. Intii kulanku socday ayey Culimadu Madaxweynaha siiyeen talooyin wax ku ool ah oo dalka iyo diintaba taabo gelin kara isla markaana Madaxweynaha ku amaaneen sida uu marwalba uugu dhago nugul yahay xidhiidhinta iyo sharfida Culimada dalka iyo sidoo kale raadadka muuqda ee uu dalka ka qabtay iyagoo uugu horaysiiyey Idaacada Qur’anka kariimka ah oo si aan kala joogsi lahayn dalka looga dhagayso. Madaxweynaha ayaa dhankiisa Culimada ku sifeeyey tiirka uugu adag ee qaranku leeyahay isla markaana ku aamanay sida ay dadka uugu baraarujiyaan wixii diinta iyo dalkaba u wanaagsan sidoo kalena u sheegay in wixii tallo iyo tilmaam ay siiyaan uu fulin doono. Maaha markii uugu horaysay ee Madaxweynaha JSL uu marti qaad talo ururin iyo kor u qaadida haybada diinta ah ku qabto xarunta dalka looga arimiyo balse arintan ayaa noqotay dhaqan fiican oo sanadihii Madaxweyne Mud Axmed Maxamed Maxamuud talada dalka hayey uu bilaabay laguna xasuusan doono, Waxaynu Cisi iyo sharaf ku leenahay diinteena”